Sababta doorashada madaxweynaha Galmudug dib loogu dhigay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sababta doorashada madaxweynaha Galmudug dib loogu dhigay

Doorashada madaxweynaha Galmudug oo la filayey in 10-ka Abriil la qabto ayaa dib loo dhigay ilaa 30-ka bisha.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu magaalada Cadaado tegey wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya si uu uga dhaadhiciyo maamulka in doorashada dib loo dhigo, taasoo uu horena u dalbaday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Haddaba maxay tahay sababta dib loogu dhigay doorashadii 10-ka Abriil dhici lahayd. Su'aashaas iyo qaar kale ayaan weydiiyey madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) oo iminka ah ku simaha madaxweynaha.