South Sudan oo xabsiga dhigtay Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

South Sudan oo xabsiga dhigtay Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay

Ciidammada sirdoonka South Sudan ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 22 qof oo isugu jira Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay.

Dadkan oo laba ka mid ah ay u dhasheen South Sudan ayaa lagu qabtay Magaalada Juba ee caasimadda waddankaasi xilli ay isu diyaarinayeen safar ay ku aadi lahaayeen waqooyiga Afrika.

South Sudan oo maalmahan dambe marin cusub u noqotay dadka tahriibaya ayaa sirdoonkoodu waxa uu sheegayaa inay dhaqangalinayaan tallaabooyin ay arrimahaa ku xadidayaan.

Haddaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay safiirka Soomaaliya u fadhiya Juba, Xuseen Xaaji Axmed, oo aan marka hore waydiiyay inuu inooga warramo dadkan la xiray waxa ay yihiin?