Shiinaha oo lacag badan siin doona ciddii la wadaagta war ku saabsan basaasid

Lacagta abaalgudka ah waxay u dhaxaysaa 10,000 ilaaa 500,000 yuan, oo ah lacagta Shiinaha Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Lacagta abaalgudka ah waxay u dhaxaysaa 10,000 ilaaa 500,000 yuan, oo ah lacagta Shiinaha

Dawladda Shiinaha ayaa lacag badan oo abaalmarin ah siin doonta ciddii u bidhaamisa ajaaniibta basaaska wada, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladdu.

Dadka ku nool caasimadda Shiinaha ee dawladda la wadaaga macluumaadkaas ayaa la siin doonaa 500,000 yuan oo u dhiganta 72,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in bulshadu ay ka caawiso "in ay si tartiib ah u dhisaan darbi adag oo lagaga hortago ficilada shaydaanka si hor istaago basaasiinta."

Dawladda ayaa sanadkii hore billawday wacyigalin ay ka mid ahayd in looga digay dadka shukaansiga ay ku khaldayaan jaajuusiinta ajaaniibta ah.

Dadka macluumadkan u gudbinaya dawladda Shiinaha waxay si toos ah ula xiriiri karaan taleefoon arrintaas loogu talagalay oo la billaabay sanadkii hore ama boostada ayay sii marin karaan.

Abaalgudka ay dawladda Shiinuhu bixinayso waxay u dhaxeeyaan 10,000 ilaa 500,000 yuan, waxayna ku xiran tahay sida ay faa'iido u leedahay macluumaadka ay soo gudbiyeen.

Xukuumaddu waxay sheegtay in caasimadda Beijing ay tahay wadnaha dawladda iyo hal abuurka sidaas daraadeedna ay tahay meesha koobaad ee ay diiradda saarayaan basaasiinta ajaaniibta ee hawlaha badan kawada wada magaalada, taas oo ay ka mid tahay xatooyo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan