Nin u dhashay Ruushka oo loo xiray 'u jabsashada doorashadii Mreykanka'

Donald Trump on the campaign Lahaanshaha sawirka Getty Images

Nin u dhashay dalka Ruushka oo lagu tuhunsan yahay inuu isku dayay u jabsashada hanaanka doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee dhacday sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu xiray dalka Spain.

Booliska Spain ayaa sheegay in ninkan lagu xiray magaalada Barcelona Jimcihii ka dib markii la soo saaray dalab caalami ah oo uu Mareykanku ku dalbaday in ninkan la soo qabto.

Warbaahinta dalka Spain iyo Ruushka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Peter Levashov.

Xaaskiiisa ayaa sheegtay in xiritaankiisa uu xiriir la leehay iskudaygii lagu doonayay in lagu jabsado hanaanka doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee dhacday bishii Nofeember.

Spain ayaa sheegtay in masu'uuliyiinta Mareykanka ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo ninkani.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu ka dambeeyay olole dhinaca internetka ah oo uu ku doonayay inuu galaangal ku yeesho doorashada madaxtinnimada iyagoo doorbidayay in Donald Trump uu ku guuleysto.

Mareykanka waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku lug lahaa weerrarada dhanka Internet-ka ee lagu soo qaaday ololaha doorashada Mareykanka.

Mosco ayaa horay u beenisay eedaymahaasi.