Dab burburiyay xero qaxooti oo Faransiiska ku taalla

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Soddonkii guri ee ka dhisnaa xerada intooda badan way gubteen

Dab ayaa burburiyay xero qaxooti oo Faransiiska ku tulaa, taas oo hoy u ahayd in kabadan 1,500 oo ruux oo muhaajiriin ah, saraakiishuna waxay sheegeen in dabku uu billawday intii uu socday dagaal dhexmaray dad reer Afghanistan ah kuwo Kurdiyiin ah.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markii dabku ka kacay xerada Grande-Synthe oo u dhaw dekedda Dunkirk.

Saraakiil ayaa bishii hore sheegay in ay kaamkaas burburin doonaan, degenaansho la'aanta halkaas ka jirta awgeed.

Xeebaha waqooyi ee Faransiiska ayaa soo jiitay soo galooti badan oo isku dayaya in ay gaaraan Britain.

Michel Lalande ayaa sheegay in dambas kali ah uu ka soo haray xeradii dhanayd.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Lahaanshaha sawirka AFP/Getty