Burcadbadeed laga sii daayay markab balse la tagay shaqaalihii saarnaa

A Somali pirate keeping vigil near Hobyo, in Somalia - Archive shot Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Piracy off the coast of Somalia has fallen sharply in recent years

Ciidammada Soomaaliya ayaa badbaadiyay Markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Hindiya kaas oo ay burcad badeed qabsatay horraantii bishan, laakiin burcadbadeedii waxay la tageen sagaal ka mid ah shaqaalihii markabka oo 11 ahaa.

Afduubka shaqaalaha ayay sameeyeen markii ay u sii cararayeen dhanka barriga.

Waxaa la rumaysan yahay in lagu haysto agagaarka magaalada Hobyo.

Al Kausar ayaa ka mid ahaa saddex markab oo la afduubtay ka dib shan sano oo arrintaas aan la soo sheegin.

Axaddiina badmaaxeyaal saaran maraakiib ay leeyihiin ciidammada badda ee Pakistan, Shiinaha iyo Hindiya ayaa soo badbaadiyay markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu kaas oo ay fuuleen burcad.

Burcadbadeed ay la xiriirtay Reuters ayaa sheegay in ay shaqaalahaas markabka hayn doonaan si ay isugu dayaan in ay ku badashaan soo daynta in ka badan boqol burcadbadeed oo ka xiran.