Maxaa laga filan karaa kullanka Barcelona iyo Juventus?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga filan karaa kullanka Barcelona iyo Juventus?

Waxay caawa ciyaar adag dhexmari doontaa kooxaha kala ah Barcelona iyo Juventus, ciyaartaas oo ka mid ah Horyaalka Yurub ee Champions League.

Juventus oo marti loo yahay ayaa dooneysa inay cashar u dhigto Barcelona oo ah koox aad u adag ah.

Haddaba weriyaha BBC-da Xuseen Maxamed Caddow ayaa ka wareystay Idiris Cabdiqaadir Maxamed oo ah Suxufi dagan waddanka Holland.