United Airline oo raaligelin ka bixsay raakaabkii xogga looga dajiyay diyaaradda

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Rakaabka oo xoog looga saarayo diyaaradda. Xigasho: Audra D. Bridges

Madaxa Shirikada United Airline ayaa raaligelin ka bixiyay dhacdadii foosha xumayd ee nin rakaab ah qasabka looga dajiyay diyaarad.

Oscar Munoz ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada.

Waxuu yiri ' Shirikaddu waxay wax ka qabanaysaa qaladka dhacay mar dambana ma dhci doonaan'

Qoyska dhakhtarka rakaabka ahaa ayaa dunida uga mahadeceliayay sida ay taageerada ugu muujiyeen David Dao oo hadda isbitaal lagu dawaynayo.

Muuqaal laga duubay diyaarada gudaheeda ayaa muujinaya dhaqtarka oo laga soo jiidayo kursigiisa wajigiisana uu ka muuqdo dhiig.

Diyaarada United Airline ayaa ka duullaysay Chicago waxayna ku socotay Louisville, waxaana diyaarada loo jaray tikidho dheeri ah.

Caro ka dhalatay rakaab xoog looga dajiyay diyaarad

Lahaanshaha sawirka Jayse D Anspach
Image caption Footage showed Dr Dao's glasses had been knocked off and he had blood on his face

Afar qof oo rakaab dheeraad ahaa ayaa loo raadiyay kuraas. Saddex rakaab ah ayaa oggolaaday inay kuraastooda baneeyaan balse dhaqtarkan ayaa sheegay inuusan baaqan karin oo howl leeyahay, sida uu sheegay goobjooge diyaaradda saarnaa.

Muuqaalka ayaa muujinaya dhaqtarka oo wajigiisu uu dhiig ka da'ayo waxuuna ku dhawaaqayay ' I dila, I dila '

Hadalhaynta muuqaalka ayaa gaartay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo oo ku tilmaamay dhacdadan 'mid laga naxo'

Mid ka mid ahaa askartii dhaqtarka diyaarada ka soo jiiday ayaa loo diray fasax waxayna waaxda hawada ee Chicago sheegtay in ficilka uu ku dhaqaaqay uusan ka tarjumayn hay'adooda.

Waaxda socdaalka Maraykanka ayaa Iyana sheegtay inay eegayso in shirikada diyaaradaha ee United Airline ay u hogaansantay nidaamka tikidhada dheeriga ah ee la jarro.

Lahaanshaha sawirka Tyler Bridges/Twitter
Image caption Ilaalada garoonka ayaa xoog uga saaray diyaaradda