Culimada Soomaaliyeed oo iska fogeeyay ururka 'Al-Saadicuun bil xaq'
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Soomaaliyeed oo iska fogeeyay ururka 'Al-Saadicuun bil xaq'

Golaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa bayaan kasoo saaray urur diimeed dhawaan looga dhawaaqay magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa.

Urur diimeedkan oo isugu yeeray "Al-Saadicuun bil xaq" ayaa qeyb ka ah urur diimeed fadhigiisu yahay dalka Masar, halkaasi oo amiirkoodu uu ka soo jeedo.

Kooxda ku dhawaaqday ururkan ayaa sheegtay in ujeedadoodu tahay in umadda Islaamka ay dib ugu laabato xaqa.

Haddaba, bayaanka ay culimadu soo saartay iyo waxa ay ka leeyihiin kooxdan cusub ayaa waxaannu ka wareysannay gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo u warramay weriyaha BBC-da Axmed Maxamed Ibrahim (Ahmed-Nagaashe) oo marka hore waydiiyay waxa uu ku saabsan yahay bayaankooda?