Taiwan oo mamnuucday in la qasho bisadaha iyo ayda

Taiwan ayaa rabta in ay sare u qaaddo ilaalinta xayawaanka dalkeeda Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taiwan ayaa rabta in ay sare u qaaddo ilaalinta xayawaanka dalkeeda

Baarlamaanka Taiwan ayaa meelmariyay sharci mamnuuc ka dhigaya in la qasho bisadaha iyo ayda si ay dadku u quutaan.

Sharcigan ayaa sidoo kale dadka ka mamnuucaya marka ay ku safrayaan mootooyinka ama gawaaridooda in ay ku jiidaan shay uu saaranyahay xayawaan.

Qofkii lagu helaa in uu jabiyay amarradaas waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag aad u badan ama xabsi labo sano ku dhaw iyo waliba in magaciisa iyo sawirkiisa bulshada lala wadaago.

Tallaabooyinka ayaa looga gol leeyahay in sare loo qaado shuruucda waxyeelada ka dhawra xayawaanka dalkaas.

Tallaabadan Talaadadii la qaaday ayaa taariikhi ah, waana shuruucdii koobaad ee noocaas ah ee laga hirgaliyo qaaradda Aasiya.

Hilibka ayda ayaa mar si joogto ah looga isticmaali jiray dalkaas jasiiradda ah, laakiin hadda wixii ka dambeeya waxay u badan tahay in loo arki doono in uu qoyska ka mid yahay.

Sanadkii hore madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa la wareegtay saddex ay oo waardiye ahaa oo shaqada ka fariistay si ay u xannaanayso oo ay ula noolaadaan labadeeda bisadood ee lakala dhoho, Cookie iyo A-Tsai.

Tsai ayaa ah haweenaydii u horaysay ee hogaamisa dalkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan