'Waxaa laga yaabaa in loo dhacay websitekii aftida Britain'

Websiteka diiwaangalinta codbixiyeyaasha Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Websiteka diiwaangalinta codbixiyeyaasha

Websitekii diiwaangalinta codadkii laga dhiibanayay aftidii ka mid ahaanshaha Yurub loo qaaday ee mar shaqayn waayay sanadkii hore ayaa laga yaabaa in ay soo weerareen ajaaniib, sida ay xildhibaanadu sheegeen.

Websiteka oo ay dadku "iska diiwaan galinayeen" si ay codkooda u dhiibtaan ayay ciladi gashay 7 Juun ee sanadkii hore wax yar uun ka hor wakhtigii kama dambaysta ahaa ee dadka loo qabtay si ay isu diiwaan galiyaan.

Dawlada UK iyo masuuliyiinta doorashada oo ka qaybgalay dood laga baahiyay TV ayaa arrintaas dusha u saaray in dad aad u badan ay booqdeen websiteka.

Laakiin guddi xildhibaannada ka tirsan ayaa sheegay in aan meesha laga saarikarin in ajaaniib ay weerar internet ku soo qaadeen.

Mowduucyada la xiriira