Weerarro ay Bookoo Xaraam ku qaadi lahayd safaaradaha UK iyo US oo la fashiliyay

Boko Xaraam ayaa sheegtay in ay u dagaalamayso sidii ay dawladd Islaami u dhisi lahayd Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boko Xaraam ayaa sheegtay in ay u dagaalamayso sidii ay dawladd Islaami u dhisi lahayd

Hay'adda sirdoonka ee Nigeria ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerar ay jabhadda Bookoo Xaraam ku qaadi lahayd safaaradaha UK iyo Maraykanku ay ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Lix ruux ayaa bishii hore la xiray iyagoo lala xiriirinayo maleegidda weerarkaas, ayay hadalka sii hay'adda sirdoonka Nigeria ee magaceeda loo soo gaabiyo DSS.

Ma jirto cid amadax bannaan oo xaqiijisay sheegashada hay'adda sirdoonka.

Bookoo Xaraam oo lala xiriiriyay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa weerarro ka gaysata gudaha Nigeria tan iyo 2009kii.

Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhintay markii ay weerar ka fuliyeen xarunta ugu wayn ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Nigeria sanadkii 2011kii.

Qoraalka ay soo saartay waaxda sirdoonka ee DSS ayaa lagu sheegay shank a mid ah ragga la qabtay "in ay dhamaystireen" weerarkii ay ku qaadi lahaayeen safaaradaha.

Abuja iyo gobolka bartamaha ku yaalla ee Benue ayaa laga xiray 25 iyo 26 bishii Maarso, ayay sii raacisay hay'addu.

Mowduucyada la xiriira