Wiil yar oo mudaaharaadayay oo lagu dilay Venezuela

Mudaaharaadyo maalmo socday ayaa ka dhacay dalka Venezuela Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mudaaharaadyo maalmo socday ayaa ka dhacay dalka Venezuela

Wiil yar oo mudaaharaaadayay ayaa lagu dilay dalka Vanezuela, iyadoo ay ka sii darayaan xiisadda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dalkaas ka taagan.

Wiilkan oo 14 jir ah iyo qof kale oo mudaaharaadayay ayaa toogasho lagu dilay habeenimadii Talaadada iyaga oo ku sugan magaalada Barquisimeto.

Gafernatooraha deegaankaas ayaa arrintan ku eedeeyay dad taageersan dawladda oo hubaysnaa, labadan arday waxaa la dilay intii uu socday mudaaharaadkii todobaadkii hore.

Madaxweyne nimada Nicolas Maduro ayay soo foodsaartay caddaadis isa soo taraya iyadoo ay waxyeelo ka soo gaartay dhaqaalihii dalkaas, dadka ka soo horjeedana ay ku eedaynayaan in uu abuurayo xukun kaligii talisnimo ah.

Dad caraysan ayaa ku mudaaharaaday Maduro oo ka soo baxay munaasabad ay lahaayeen milatariga oo ka dhacaysay gobolka Bolivar ee ku yaala koonfurta-bari ee dalkaas, arrintaas ayaa dhacday galinkii hore ee Talaadadii.

Mudaaharaadyadan cusub ee dawladda lagu diidan yahay ayaa billawday ka dib markii ay dawladdu go'aamisay Jimcihii in hogaamiyaha mucaaradka Henrique Capriles uusan hogaanka dalka u tartami karin muddo 15 sano ah.