6 arrin ka ogow dhaqaalaha Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado dhawr ah baadi goobka nabadda, deganaanshaha, horumar dhaqaale. Abaaraha ugu dambeeyey iyo macaluusha ayaa waxay yihiin tijaabadda adkaysiga dalka siloo helo gargaar bini'aadamtinimo wuxuu u baahan yahay caawimaada beesha caalamka.

Siyaasadda cusub ee dawladda ayaa muujinaysa sida ay uga go'an tahay horumarinta xaaladda wadanka iyo nolasha Soomaalida.

Waa lix arrimood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato dhaqaalaha Soomaaliya tan iyo markii wadanku uu dib ula soo laabtay xiriirkii beesha caalamka shan sano ka hor.

•Abaartu waxay saameysay bulshada jilacsan. Saameynta deg deg ah ee abaarta taagan ee dhulbeereedka waxay keentay in 6.2 milyan oo dad ah (waa kala bar dadka Soomaaliyeed) ay u baahdaan gargaar, iyadoo jirto khatar cunto la'aan taasi oo keentay qaylo dhaanta baahida deg deg ah ee gagaar iyo caawimaad dhaqaale oo ka timaada dawladda iyo beesha caalamka.

Dawladdu waxay kaloo u baahan tahay isku xir wanaagsan ayna la socoto qaybinta gargaarka bini'aadamtinimmo iyadoo ay jirto caqabaddo amni oo ka taagan goboladda iyadoo ahmiyadda la siinayo goboladda saamynta xoogan ka jirto.

•Deeqbixiyayaashu waa kuwa ugu muhiimsan. Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa isku halleyn ka dhigay caawimaada deeqbixiyayaasha, xawaaladdaha iyo maalgashiga tooska ah ee dibadda kaasi oo badi sameeyaan Soomaalida qurbaha.

Tan iyo sanadkii 2013,deeqbixiyayaasha waxay bixiyeen 4.5 bilyan oo doolar oo ah deeq horumarin iyo mid bini'aadamtinimo, taasi oo ahayd taageerada dhaqaalaha Soomaaliya ee dhulka galay 55% ee GDP (cel celis 2013 ilaa 2016). Abaarta hadda taagan ayaa la filayaa inay gaabis ka dhigto hawlaha ganacsiga aynna kor u qaado sicir bararka sanadka, sidaa darteed ayaa taageerada dhaqaale ay muhiim u tahay sugnnaanta kobaca.

•La dagaalanka shaqo la'aanta waxay u tahay muhiim xasilooni siyaasadeed. Bulshada dhalinyarada ah ee aan shaqeyn (67%) waxaa si wayn uga qayb qaadatay tahriibka aan fadhin iyo ka qayb qaadashada ficiladda xagjirnimmo oo ay ku jiraan kuwa Al-Shabaab taasi oo loo arkay hab kale oo shaqaaleyn ah.

Iyadoo shaqo la'aanta dhalinyarada ay aad u sareyso aynna si guud u yar tahay ka qayb galka gaar ahaan haweenka shaqooyinka xooggooda, Xukuumadda Soomaaliya waxay aasaasay qorshe horumarin qaran kaasi oo yoolkiisu yahay meelaha ugu muhiimsan, si loo gaaro kobac dhaqaale, abuurista shaqooyinka, in dhug loo yeesho qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabtay Kenya, socodka lacagaha xawaaladaha, iyadoo mudnaanta la siinayo shabakadaha bulshada iyo wax ka qabashada xaaladaha bini'aadamnimmo.

•U diyaargarowga dib u habeynta lacagta ayaa hadda mar kale biloday. Iyadoo qayb ka ah hindisaha dib u habaynta ballaaran ee Soomaaliya Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlada Federaalka ayaa isku diyaarinaysa dib u habaynta lacagta shilin Soomaaliga markii ugu horreysay muddo 26 sano ah si looga hortago lacagaha been abuurka ee faraha ee hadda jira, isla markaana la soo celiyo kalsoonida lagu qabo lacagta qaranka, iyo waliba in loo ogolaado Bangiga dhexe in uu fuliyo hannaan siyaasadeed oo lacagaha lagu hubinayo, Hay'adda IMF ayaa ka caawinaysa xukuumadda talaabooyinka ay tahay in lagu meel mariyo soo saarista lacag cusub.

•IMF waxay si dhow ula shaqeynaysa Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo laabtay xiriirka labada dhinac sanadkii 2013, hay'adda IMF waxay soo gabagabaysay laba qiimeyn dhaqaale- tii koowaad ee 2015 ayaa ka dhigan tii ugu horreysay IMF kala tashato wadanka ilaa 1989-kii waayo IMF waxay Soomaaliya ku leedahay dayn, marka kama faa'idi karto amaahda IMF, si kastaba ha ahaatee xukuumadda [Soomaaliya] ayaa ka codsatay IMF macnaha guud ee barnaamijka la socodka dhaqaalaha, tani waxay ka caawisay in uu abuurmo qaab cusub oo lagu taakuleeyo dadaaladda dib u dhiska dhaqaalaha Soomaaliya iyo in la sameeyo siyaasad xisaabtan ah iyo dadaal dib u dhis, sidoo kale dib u yagleelida awoodda hay'addaha, bishii February ayaa la soo gababeeyey dib u eegistaas ugu horeysay.

•Gargaar farsamo oo shaqeynaya. Soomaaliya waxay ka mid tahay ka-faa'idaystayaasha ugu weyn ee IMF farsamooyinka caawinta, taasi oo gacan ka gaysatay dhisida kartida hay'addaha maamulka iyadoo heshay in ka badan 70 tababaro farsamo Iyo safaro farsamo tan iyo sanadkii 2014.Horumar la taaban karo ayaa laga sameeyey diyaarinta miisaaniyada, warbixinta maaliyada, dib u habaynta lacagta, iyo shatiyada.Tusaale ahaan, dawladda ayaa awooday diyaarinta miisaaniyada Qaranka 2014-2017 iyo tan iyo January 2015.

Sidoo kale dawladdu waxay soo saartay markii ugu horreysay warbixinta maaliyadda ee billaha, iyadoo laga bilaabay hab aad u awood yar iyo isku dhafka hab xisaabeedka Islaamiga ah oo lagu laray nidaamka xisaabaadka reer Galbeedka, shaqaalaha bangiga dhexe ayaa soo saaray qaabka Laysimada bangi,habka warbixinta hannaanka hubinta Bangiyada, hannaan joogto ah oo warbixinta ganacsiyada bangiga,nidaam falanqayn dhaqaale, iyo nidaam keenay in si guud loogula socdo sugnaanta dhaqaalaha guud ee Bangiga, iyadoo Soomaaliya ku socoto inay soo jiidato hay'adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah, IMF waxay balaarin doontaa miisaanna saari doontaa dhisidda awoodda dib u dhiska markii loo baahdo.