Abaarta gobolka Togdheer oo laga dayrinayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta gobolka Togdheer oo laga dayrinayo

Geeska Afrika waxaa ka sii daraysa abaarta ba'an ee saamaysay dad iyo duunyaba, taaso meelaha qaar dadka ku qasabtay inay guryahooda isaga cararaan si ay u helaan biyo iyo cunto.

Deegaanada qaarna waxaaba laga baqayaa in abaartu ay horseeddo macaluul taabata saqiir iyo kabiirba.

Gobollada Bariga Somaliland oo aanan roob helin dhawaantan ayaa reer miyigii waxa ay isugu soo uruurayaan tuulooyinka iyagoo ay dhaafeen xoolihii ay lahaayeen.

Haddaba waxaannu xaaladda sida ay haatan tahay ka wareysannay gudoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleemaan (Ramaax) oo isagoo ku sugan magaalada Burco khadka talefoonka uga warramay Raage Xasan.