Muhaajiriinta ka talowda xadka Mareykanka iyo Canada oo loo digay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muhaajiriinta ka talowda xadka Mareykanka iyo Canada oo loo digay

Waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan dad badan oo ay Soomaalidu ka mid yihiin oo ka haajirayay waddanka Mareykanka una tahriibaya dalka Canada.

Dadkaasi ayaa xilligii qaboobaha waxa ay xadka u dhaxeeya labada dal kala kulmeen dhibaatooyin badan, gaar ahaan marka ay dhumashada ku marayeen dhulka barafka badan.

Waqtiga haatan la joogase waxaa dhulkaasi laga saadaalinayaa inay ka da'ayaan roobab badan oo ay suuragal tahay inay horseedaan fatahaado baaxad leh.

Haddaba Cabdirisaaq Biixi oo u ololeeya arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka, ayaa waxa uu dhibataada ay wajahaan tahriibayaashaasi uga warramay weriyaha BBC-da, Maxamed Xaaji Xuseen oo marka hore waydiyay dadka u qaxaya Canada waxa ay yihiin?