Awoodda 'hooyada bambooyiinka oo dhan' ee Mareykanka uu Afghanistan ku dhuftay

MOAB Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tijaabo bamka lagu sameeyay 2003-dii

Militariga dalka Mareykanka ayaa bamkii ugu weynaa oo aan nukliyer ahayn, markii ugu horeysay ku dhuftay gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.

Weerarka loo adeegsaday bamkan oo loo yaqaanno 'hooyada bambooyiinka' waxaa la fuliyay xalay.

Waxaa la sheegay in lala eegtay qadad dhulka hoostiisa ah oo ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee degmada Achin.

Isticmaalka bamka noocan ah oo aan nukliyer ahayn uma baahna in madaxweynaha Mareykanka uu fasaxo.

Awoodda 'hooyada bambooyiinka oo dhan'

Fadeexadda sawirrada cawrada ah ee Ciidammada Mareykanka oo baaahday

Guantanamo Bay: Maxaabiis loo wareejiyay Imaaratka Carabta

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo muuqaal la duubay 2003 oo ay ka muuqato 'hooyada bambooyiinka la tijaabinayo

Waa hub aad u culus oo dhererkiisa gaarayo 30ft, culeyskiisuna yahay 9,800kg.

Waxaa lagu hagaa GPS-ka Internetka, waxaana xambaara diyaaradaha xamuulka ee MC-130. Waxayna qarxdaa waxyar ka dib marka uu dhulka ku dhoco.

Inkastoo bamka noocan ah diyaarad laga soo rido haddana waxaa dhinac kaga xiran qalab hagaya, wuxuuna leeyahay baalal uu ku duulo, gadaalna wuxuu ku leeyahay afar baal oo yaryar.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waxay tahay in qarax weyn ay samayso ayna baabi'iso dhul gaaraya 1.6km.

Maadada Aluminium ee laga sameeyay bamka waxay xoojineysaa baaxadda waxyeelada bamka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 'Hooyada bambooyiinka' oo lagu diyaarinayo xarun ciidan oo ku taalla Florida

Bamka 'dhufeys baabi'iyaha' waxaa loo hagaajiyay inuu burburiyo qadadka dhulka hootooda mara iyo agabka lagu keydiyo dhulka hoostiisa.

Hubkan waxaa loo diyaariyay in loo adeegsado dagaalkii Ciraaq, halkii bamna waxaa ku baxaysa dhaqaale gaaraya $16 milyan oo dollar.

Markii ugu horeysay ee la tijaabiyo waxay ahayd 2003-dii, balse waa markii ugu horeysay oo dagaal loo adeegsado.

Sidoo kale, bamkan loo bixiyay 'hooyada bambooyiinka' ma aha midka ugu weyn ee Mareykanka uu haysto ee aan nukliyer ahayn.

Bamka kale ee ka weyn oo lagu magacaabo MOP xitaa dhanka culeyska wuu ku labo jibaarmaa 'hooyada bambooyiinka'

Albright 'oo diyaar u ah in lagu qoro diiwaanka Muslimiinta Maraykanka'

UK oo mamnuucday in qalabka qaar lala raaco diyaaradaha

Hogaamiyaha Daalibaan oo shacabka iyo ciidankiisaba faray inay dalka dhir ku beeraan

Lahaanshaha sawirka Public domain
Image caption 'hooyada bambooyiinka' oo la tijaabinayo

Dalka ay Mareykanka xifaaltamayaan ee Ruushka wuxuu sameystay bam kale oo aad u weyn oo ay u bixiyeen 'aabaha bambooyiinka oo dhan'. Waa madfac ku duula shidaal oo si weyn wax u baabi'iya.

Waxaa sidoo kale loo yaqaannaa bamka Thermobaric, wuxuuna ku qarxaa laba marxaladood.

Midda koobaad, qarax yar oo hawada ku faafiya waxyaabo yaryar oo ifaya taasina waxay sababtaa cadaadis iyo mowjado waaweyn oo qaraxyo ah.

Mid ka mid ah ujeedooyiinka ugu waa weyn waxaa ka mid ah in niyad ahaan loo dhaawoco kooxda lala eegto madfaca oo lagu baqdin geliyo qaraxa weyn ee uu sameeyo gantaalka iyo burburka uu geysto.

Madaafiicda kale ee la mid ka ah waxaa ka mid ah PLU-82 oo loo sameeyay in uu meel kayn ah dhulka la simo oo uu ka dhigo dhul bannaan, si diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ugu degaan.

Lahaanshaha sawirka USAF/Getty Images
Image caption Bamka oo culeyskiisu gaarayo 9,800kg hadda ka hor dagaal looma adeegsanin

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan