Kuuriyada Waqooyi oo soo bandhigtay awoodeedda military

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption North Korea waxay u dabaaldegaysaa sanadguuradii 105-aad ee dhalashadii Kim Il-sung

Kuuriyada waqooyi ayaa ku soo bandigtay awooddeeda military oo ay ka mid tahay wax u muuqdey gujis cusub oo xambaara gantaalada balastig iyadoo loo dabaaldegayey dhalashadii Kim Il-sung, oo ahaa aasaasihii dalkaasi.

Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka dhacday magaalada caasimada ah ee Pyongyang, iyadoo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka leader Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey.

Bandhigan wuxuu ku soo aaday iyadoo ay kordhayso xiisadda ka aloosan gacanta, xukuumadda Pyongyang waxay mar kale uga digtay Mareykanka in uu joojiyo wax ay ugu yeertay daandaansiga iyo dhaqdhaqaaaqyada taxadar la'aanta ah , waxay ku bixisay digniin inay ku jawaabto duqayn halaag ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mareykanka wuxuu u diray gacanka Kuuriyada raxan maraakiib ah oo uu ka mid yahay USS Carl Vinson