'Qofkii ugu da'da waynaa dunida oo ku dhintay 117 sano'

AFP Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa la aaminsan yahay inay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee dhashay 1800-aadkii oo wali noolaa

Haweenaydii ugu d'ada waynayd dunida ayaa ku dhimatay dalka Taliyaaniga iyadoo 117 sano jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.

Waxay ku geriyootay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Verbania ee waqooyiga dalka Taliyaaniga.

Emma Morano waxay dhalatay 29 Nofeember 1899. Waxay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee inta la ogyahay dhashay 1800-aadkii walina noolaa.

Mar ay ka hadlaysay cimrigeeda ayaa waxay sheegtay inuu yahay dhaxal. Hooyadeed ayaa ku dhimatay da'da boqol sano, walaasheedna 91 sano.

Waxay sidoo kale sheegtay inay maalin kasta cuni jirtay seddax ukumood oo laba ka mid ah ay ceyriin ku cuni jirtay.

Morano waxay ahayd curad waxaana ka yaraa sideed carruur ah oo dhammanatood kal hore dhintay.

Waxay u soo joogtay seddax qarni,dagaalkii koobaad iyo kii labaad ee dunida ka dhacay iyo 90 xukumadood oo soo maray dalka Taliyaaniga.

Waxay dhashay hal wiil oo kali ah oo isagoo lix bilood jir ah geeriyooday 1938.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqalakan waxaa laga duubay sanadkii la soo dhaafay