Weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari qarxay oo la deminayo
Image caption Gaari qarxay oo la deminayo

Dhowr hoobiye ayaa loo riday dhanka garoonka diyaaradaha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la dagaallameen kooxda hoobiyayaasha riday.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaas ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah kooxdaaasi la dilay, midna la qabtay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in shacabka ay gacan ka geysteen arrinta ayna la shaqeeyeen ciidamada dowladda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen. Waxay xaqiijiyeen in gaarigaasi markii dambe uu qarxay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Baabuurka ayaa qarxay wax yar ka dib markii la qabtay

Dhinaca kale, Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegeyso in qarax ay la kulmeen gawaari ay leedahay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow goobtii ay marayeen gawaarida hay'adda oo ah gudaha Muqdisho.

Laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa dhaawac fudud uu gaaray, sida ay sheegtay WFP oo baareyso in weerarka lala damacsanaa gawaarideeda iyo in kale.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan