Hay'adda xuquuqda aadanaha Itoobiya: "669 ruux ayaa la dilay"

Mudaaharaadeyaasha Amxaarada iyo Oromada ayaa ka cabanayay takoor siyaasadeed iyo mid dhaqaale Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mudaaharaadeyaasha Amxaarada iyo Oromada ayaa ka cabanayay takoor siyaasadeed iyo mid dhaqaale

Hay'adda xuquuqda aadanaha Itoobiya ee EHRC oo dawladda hoostagta ayaa baarlamaanka u sheegtay in la dilay 669 ruux intii ay socdeen dibadbaxyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee billawday bishii Nofembar ee 2015kii.

Mucaaradka iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in dadka dhintay ay aad uga badan yihiin tiradaas waxayna ku baaqeen baaritaan madaxbannaan la sameeyo.

Warbixinta Hay'adda Xuquuqda Aadanaha oo baarlamaanka la horgeeyay ayaa sheegtay in laamaha ammaanku ay adeegsadeen "awood miisaaman" si ay wax uga qabtaan mudaaharaadyada.

Mudaaharaadyada ayaa saameeyay gobolada Oromada, Amxaarada iyo gobolka Shucuubta Koonfureed.

Dawladda Itoobiya ayaa xaalad deegdeg ah ku dhawaaqday bishii Oktoobar ee sanadkii hore si loo joojiyo mudaaharaadyada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan