Shir ku saabsan isbedelka cimilada oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nairobi oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan isbedelka cimilada

Magaalada Nairobi waxaa lagu soo gebagebeeyay shir ay ka qeybgaleen ardey ka kala socotay iskoolo ku yaalla 22 dal oo caalamka oo dhan ah.

Ardeydaasi waxay ka wada hadlayeen sidii wax looga qaban lahaa isbedelka cimilada aduunka.

Waxay soo bandhigeen qaabab kala duwan oo koronto lagu dhallin karo iyadoo aan hawada la wasaqeyn.

Qaar ka mid ah ardaydaasi waxay soo saareen matoorro shaqeynaya shidaal la'aan, iyo diyaarad aan qiiq lahayn.

Iskoolada abaalmarinta lagu siiyay waxyaabihii ay soo bandhigeen waxaa ka mid ah Skoolka WAMY oo ku yaalla Nairobi.

Maamulaha Iskoolkaasi , Irshaad Cabdi Ibraahim ayaa arrintaasi Axmed Xaaji Xasan uga warramay.