Somaliland oo sheegtay in ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ay siineyso waxbarasho bilaash ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo sheegtay in ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ay caawineyso

Magaalada Hargeysa, agaasimaha waaxda dugsiyada ardayda baahiyaha gaarka ah qabo ee aan lixaadkoodu dhameystirneyn ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdishakuur Maxamed Cabdi ayaa soo bandhigay in ay ilaa 700 oo arday oo la'a araga iyo maqalka iyo meelo kale ay u fidiyaan waxbarasho bilaash ah.

Agaasime Cabdishakuur waxaa kale oo uu ka hadlay cabasho dhowaan ka soo yeedhay dhallinyaro araga la'a oo ku nool magaalada Borama.

Weriyaha BBC-da Axmed saciid Cige oo wareystay agaasimaha ayaa ugu horeyn weydiiyay tirada dugsiyada iyo ardayda baahiyaha gaarka ah qabo