Culimada magaalada Garisa oo walaac ka muujiyay qaabka loo wado ololaha doorashada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada magaalada Garisa oo walaac ka muujiyay qaabka loo wado ololaha doorashada

Culimada magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi Kenya ayaa walaac ka muujiyay qaababka ay siyaasiyiinta Soomaalida u adeegsanayaan ololaha doorashada guud ee ka dhici doonto dalka Kenya bisha 8aad.

Waxyaabaha ay Culimadu ka sheegteen waxaa ka mid ah baabuur lagu rakibay codbaahiyeyaal dhawaaq dheer oo ay Muusik kalaga daaro.

Haddaba Sheekh Xasan Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah culimada Kenya ayaa arrintaasi uga waramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay.