Barlamaanka UK oo la filayo in ay u codeyaan qorshaha Theresa May

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Theresa May

Waxaa la filayaa in Ra'ayi aruurinta hordhac ah ay horseedo in la helo saddex meelood laba aqlabiyada guud ee loo baahanyahay in la qabto doorashada.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbynn ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista ra'iisalwasaaraha ee doorashada deg dega ah maalintii Talaadada aheyd.

Ms Theresa May ayaa sheegtay in ay dooneyso xaqiijinta in ay taageeraan dadka Britain wadahadlada Britain ay uga baxeyso Mdigowga Yurub.

Doorashada guud ee xigta ayaa la filayay in ay dhacdo sannadka 2020ka, balse mudada cayiman ee xeerka baarlamaanka ayaa ogalaanaya in doorasha waqtigeedii laga soo hormariyay la qaban karo, hadii saddex meelood laba meel baarlamaanka ay taageeraan talaabadaasi.

Image caption Barlamaanka UK

Mooshin arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in la horgeeyo aqalka baarlamaanka gelinka dambe ee maalinta Arbacada.

Xisbiga SNP ayaa waxaa ay muujiyeen in ay ka aamusi donaan codeynta, hasa yeshee xisbiyada shaqaalaha iyo midka qunyar socodka ayaa soo dhaweeyay doorashada waqtigeeda laga soo horumariyay.