Saddex caddaan ah oo 'isir nacayb' loogu dilay Maraykanka

Labadan sawir ee Kori Ali Muhammad waxaa soo bandhigay booliiska Fresno Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Labadan sawir ee Kori Ali Muhammad waxaa soo bandhigay booliiska Fresno

Saddex nin oo caddaan ah ayaa la dilay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu nin madaw ahi rasaas ku furay iyaga oo ku sugan magaalada Fresno ee gobolka California ee dalka Maraykanka, waxaana looga shakisan yahay in uu ahaa weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.

Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay Talaadadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliis ah.

Illaahay baa wayn o oaf Carabi ah ayuu ku qaylyay markii la xiray laakiin Dayer wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab midab sooc ku salaysan.

Lahaanshaha sawirka FRESNO COUNTY SHERIFF
Image caption Booliiska ayaa gooyay afar goobood oo ku aadan meeshii ay rasaastu ka dhacday

Kori oo 39 jir ah ayaa sidoo kale rabay in uu dilo waardiye hotel todobaadkii hore.

Booliisku waxay sheegeen in ninkani uu Facebook ku bidhaamiyay in uu necebyahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda.

Dhamaan dadka ay rasaastu ku dhacday waa caddaan, mid ka mid ahna waxay xabbaddu ku dhacday isaga oo fadhiya gaarigiisa.

"Waxaa u qorshaysnayd in uu dilo inta uu awoodo" ayuu yiri Dyer.

Mowduucyada la xiriira