Xabaalo wadareedyo kale oo laga helay DR Congo

Ciidammada DR Congo ayaa malayshiyaad kula dagaalamayay gobolka bartamaha dhaca ee Kasai Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada DR Congo ayaa malayshiyaad kula dagaalamayay gobolka bartamaha dhaca ee Kasai

Todobo iyo toban xabaalo wadareed oo hor leh ayaa laga helay gobolka Kasai ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kuwaas oo tirada guud ka dhigaya ku dhawaad afartan, tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Aagaas ayaa ahaa goobo ay isku hayeen ciidammada dawladda iyo malayshiyada deegaanka ee Kamuina Nsapu, sida lagu sheegay warbixintaas.

Dawladda ayaa wadda dagaal ay ku joojinayso mucaaradad ka bilaabatay nin masuul ah oo gobolkaas lagu dilay.

Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay in ay gaysanayaan tacadiyo aadanaha ka dhan ah.

Baareyaasha Qaramada Midoobay ayaa loo sheegay in dhamaadkii bishii hore la dilay ugu yaraan 74 ruux oo ay ku jiraan 30 carruur ah.

Madaxa hay'adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay Zeid Ra'ad Al Hussein ayaa sheegay in dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo looga baahanyahay in ay qaado talaabooyin macno leh taas oo ilaa iyo maanta laga la'yahay.

Si loo xaqiijiyo oo loo dardargaliyo baaritaan madaxbannaan oo lagu ogaado wax aka jira tacadiyada aadanaha ka dhanka ah ee lagu eedeeyay dhinacyada oo dhan.