Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta

Aasaasaha Facebook ayaa sheegay in madasha Facebook wax ka qaban doonto ficilada dambiyada ah ee lagu soo bandhigo, isagoo taasi uga jawaabay ka dib markii la soo galiyey baraha Facebook muuqaal nin dilaya nin kale oo waayeel ah, taasi oo si wayn ay uga argagaxeen dad aad u badan.

Haddaba arrintan ayaa looga dooday xubintii Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta waxaana ka qayb qaatay Hibaaq Axmed oo joogta magaalada Hargeysa, Maxamed Axmed Cawil oo jooga magaalada Boosaaso iyo Dhuux Axmed Xuseen oo jooga magaalada Gaarisa, waxaana u qaybinaya hadalka Mowliid Xaaji Cabdi.