Dowladda Nigeria oo shaqada ka ceyrisay madaxii sirdoonka

Lacagta waxaa lagu qariyay khaanado ku jiray gurigaasi Lahaanshaha sawirka EFCC
Image caption Lacagta waxaa lagu qariyay khaanado ku jiray gurigaasi

Madaxweynaha Nigeria ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay madaxa ciidamada sirdoonka ka dib markii todobaadkii hore laga helay guri ku yaala magaalada Lagos lacag ka badan afartan milyan oo Dollar.

Madaxweynaha ayaa amarkan shaqo joojinta ah bixiyey kadib markii madaxa sirdoonka, Ayo Oke, uu sheegey in ay lacagtani qayb ka tahay miisaaniyada hay'adda oo loo isticmaalayey howlgalo la xidhiidha amaanka.

Gurigan oo ku yaala magaalada Lagos, ayaa laga heley lacag gaadheysa ilaa 40 millyan oo Dollar, sida uu sheegay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Nigeria.

Mas'uuuliyiintu waxay sheegeen inay weerareen gurigaasi markii lagu wargeliyay in haweenay dhar wasakheysan xiran ay boorsooyin badan gelisay gurigaasi. Dhaqdhaqaaqeeda ayay darisku ka shakiyeen.

Baarayaashu waxay sidoo kale ka helaan gurigaasi oo ka kooban afar qol £27,800 iyo 23 milyan oo Naira oo u dhiganta $75,000, sida uu sheegay guddiga la dagaalanka dambiyada dhaqaalaha ee EFCC.

Waxa haatan socda baadhitaan lagu eegayo sida ay hay'adda sirdoonka lacag intaas leeg ay usoo gashay.