Kanada oo xirtay haweenay Maraykanka ka 'keentay' dad tahriib ah

Tiro sii kordhaysa oo dad magangalyo doon ah ayaa si sharcidarro ah ku gala Kanada Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Tiro sii kordhaysa oo dad magangalyo doon ah ayaa si sharcidarro ah ku gala Kanada

Haweenay reer Kanada ah oo degan gobolka Saskatchewan ee xadka la leh Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay dadka tahriibiso kadib baaritaanno bilo socday oo laga sameeyay xadka labada dalba.

Booliiska Kanada ee magaciisa loo soo gaabiyo RCMP ayaa xiray oo dacwad ku soo oogay Michelle Omoruyi oo 43 jir ah, arrintaas oo qayb ka ah baaritaan lagu sameeyay dadka magangalyo doonka ah ee sida sharcidarrada ah uga soo talaabaya xadka ee Kanada soo galaya.

Waxaa la istaajiyay markii ay ka soo gudubtay xadka Saskatchewan iyada oo saran gaari ay la socdaa sagaal ruux oo ajaaniib ah.

Sagaalkan ruux oo Galbeedka Afrika ka soo jeeda ayaa intaas ka dibna qaxootinimo ka dalbaday Kanada.

Booliiska Kanada ayaa Arbacadii sheegay in ay helen caddaymo iyo lagac badan oo taalay guriga Omoruyi oo ay baaritaan ku sameeyeen xiritaankeeda ka dib.

Xiritaankan ayaa qayb ka ah baaritaan ay Kanada iyo Maraykanku iska kaashanayeen oo afar billood socday, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay dadka sida abaabulan uga shaqaysta tahriibinta dadka.

Waaxda ilaalada xadka ee dalka Maraykanka ayaa iyaguna hawlgal ay dad ku xirxirayaan sameeyay Jimcihii, arrintaasina waxay qayb ka ahayd baaritaanadaas billaha soo socday.

Laakiin dawladda Maraykanku wali faahfaahin kama aysan bixinin dadka ay xirxirtay.