Australia oo adkaynaysa jinsiyad bixinta

Xaflad dad lagu gudoonsiinayo dhalashada dalka oo horaantii sanadkan lagu qabtay magaalada Melbourne Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xaflad dad lagu gudoonsiinayo dhalashada dalka oo horaantii sanadkan lagu qabtay magaalada Melbourne

Dawladda Australia ayaa sii adkaynaysa habka lagu helo dhalashadeeda iyada oo isabadal wayn ku samaynaysa sida ay ula macaamisho dadka soo galootiga ah.

Dadka raba in ay qaataan dhalasho ayaa maridoona imtixaanno ay ka mid yihiin luuqadda Ingiriiska iyo awoodda ay u leeyihiin in ay ku dhaqmaan "qiyamka Australia" sida uu sheegay ra'iisalwasaare Malcolm Turnbull.

Dadka soo gudbisanaya codsiyada muwaadinnimada ayaa iyagana looga baahan yahay in ay si joogta ah u daganaayeen dalka muddo afar sano ah, arrintaas oo saddex sano ka badan wakhtiga hadda looga baahan yahay.

Arrintan ayaa imanaysa maalmo uun ka dib markii ay Australia soo bandhigtay shuruudo adag oo lagu xirayo shaqaalaha xirfadleyaasha ah ee laga keensado adduunka dacaladiisa.

Ra'iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in isbadalladani ay xaqiijin doonaan in dadka soogalootiga ah ay si fiican u dhexgalaan bulshada.

"Waa muhiim in ay fahmaan in ay la imanayaan ka go'naansho ku aadan ilaalinta qiyamka Australia" ayuu yiri.

Maxaa is badalay?

Ra'iisalwasaare Turnbull oo sharaxaya "Qiyamka Australia" ayaa sheegay in ay waajib tahay in soo galootigu ay taageeraan xoriyadda diinta iyo sinaanta jinsiga ama ragga iyo dumarka.

"Xushmaynta dumarka iyo carruurta, kuwaasi waa furaha qiyamka Australia", ayuu yiri isaga oo sii raaciyay in aan loo dulqaadan doonin shaqaaqadaha guryaha dhexdooda ka dhaca.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisalwasaaraha Australian, Malcolm Turnbull iyo wasiirka socdaalka Peter Dutton

Waxyaabaha kale ee looga baahan yahay qofka dhalasho dalbanaya waxaa ka mid ah:

  • Imtixaanno dheeri ah oo luuqadda Ingiriiska ah, kuwaas oo kala ah akhrinta, qoraalka, dhagaysiga iyo ku hadalka.
  • Caddaymo la xiriira in qofku uu ku milmay bulshada, taas oo ay ka mid yihiin in uu soo shaqeeyay, iskuul soo dhigtay, ama uu xubin ka yahay ururrada bulshada.
  • In uu si rasmi ah u sii daganaa ugu yaraan afar sano.
  • Dadka soo dalbanaya jinsiyadda saddex jeer oo kali ah ayay codsiga soo gudbisan karaan, qofkii isku daya in uu khayaano sameeyana isla markaasba waxaa la go'aamin doonaa in dhacay oo uu san u qalmin in la siiyo dhalashada dalka.