Trump oo billaabay baaritaan uu ku samaynayo biraha dalkiisa lagu soo daabulo

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaankani uusan shuqul ku lahayn Shiinaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaankani uusan shuqul ku lahayn Shiinaha

Madaxwayne Donald Trump ayaa bilaabay baritaano lagu samaynayo wadamada birta u soo dhoofiya maraykanka taasi oo suuragal ka dhigaysa in uu canshuur cusub ku soo rogo birta loo soo dhoofiyo.

Baaritaannadani ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo in wadammada ku soo faraqaya Maraykanka biraha qiimaha jaban ee macmalka ah taasi oo wax u dhimaysa wax soo saarka gudaha.

Wadanka Shiinaha ayaa inta badan lagu tiriyaa in uu biraha uu u soo dhoofiyo Maraykanka balse madaxweynaha ayaa sheegay in arrintani aysan qusayn "Beijing". Balse ay tahay mid qusaysa difaacidda amniga Maraykanka.

Warkani ayaa waxa uu sababay in uu sare u kaco saamiga shirkadaha biraha sameeya.

Si kastaba ha ahaatee shirkadaha sameeya biraha ee Asian ayaa sidoo kale sare u kac ku yimid iyada oo ay u muuqato in maalgashadeyaasha ay warkani iska dhaga tirayaan.

Dowlada Maraykanka ayaa marar badan isku dayday in ay shirkadaha keenaya biraha qiimaha jaban ka difaacdo shirkadaha Mareykanka ee soo saara birta.

Dowlada Maraykanka ayaa horay waxay arrintani u sii mari jirtay ururka ganacsiga aduunka, balse maamulka Trump ayaa sheegay in arrintani aysan saamayn badan yeelan doonin.

Baaritaankan ayaa hadda waxa uu hoos imaan doonaa sharciga ballaarinta ganacsiga mareyknaka ee la ansixiyay 1962, taasi oo madaxweynaha u ogolaanaysa in uu xanibaad ku soo rogo soo dajinta biraha isaga oo cuskanaya sababo la xiriira amniga qaranka.

"Birahu waxay muhim u yihiin dhaqaalaheena iyo militarigeena," ayuu yiri Mr Trump. "arintani ma aha mid aan wadamo ajnabi ah ugu tiirsanaan karno."

Dalka Shiinaha ayaa ah dalka soo saara birta ugu badan waxayna soo saaraan biro ka badan inta ay isticmalaan, waxayna u dhoofiyaan dalka dibaddiisa.