Furitaanka xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo dib u dhacday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Furitaanka xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo dib u dhacday

Waxaa la filayey in ay maanta dowladda Kenya dib u furto soohdinta ay Soomaaliya la leedahay gaar ahaan tan ay wadaagaan magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo, iyo dhinaca kale Libooy iyo Dhoobley.

Go'aankaasi ayaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu shaaciyay bishii hore oo ay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdalaahi Farmaajo kulan ku yeesheen magaalada Nairobi.

Haseyeeshee saraakiil Kenyan ah oo ku sugan Mandheera ayaa sheegay in maanta la sugayo wefdi ka socda dowladdooda oo qiimayn doona xaaladda ammaanka xuduudka.

Haddaba sidee ayay xuduuda xiran u saamaysay ganacsiga Mandheera?

Axmed Sheekh Cabdi Liibaan, waa ganacsade badeecaddaha ka keena dhanka Soomaaliya, khadka telefoonka ayuu ugu waramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo ugu horrayn weydiiyey siduu u arko xayiraadda laga qaadayo xadka?