Afghanistan: Talibaan oo weerartay Saldhig Milateri

Dowladda ayaa sheegaysa in ciidama dheerad ah ay u daad guureysay magaalada Mazar-i-Sharif Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dowladda ayaa sheegaysa in ciidama dheerad ah ay u daad guureysay magaalada Mazar-i-Sharif

Saraakiisha dowladda ee ku sugan waqooyiga Afghanistan ayaa sheegay in, in ka badan 70 ciidamada dowladda ah la dilay kadib markii dagaalyahanada Taliban ay weerareen saldhig milateri oo ku yaala afka hore ee magaalada Mazar-i-Sharif.

Dagaalka ayaa ilaa gelinkii dambe ee maanta socday waxayna saraakiishu sheegayaan in tirada dhimashadu ay intaasi kasii badan karto.

Image caption Sawir

Dagaalyahanada weerarka soo qaaday ayaa bartilmaameedsaday masjid iyo goob lagu qadeeyo oo saldhiga ku dhex yaal, waxaana dagaalku socday sacaado.

Ugu yaraan toban ka tirsan dagaalyahanada Taliban ayaa dagalkaasi ku dhintay. Af-hayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabiullah Mojaheed ayaa sheegay in kooxdiisu ay weerarka soo qaaday.

Weerarada lala bartilmaamedsanayo ciidammada Afghanistan ayaan ahayn arrin cusub ayadoo gobolka waqooyiga dalka ku yaala ee Kunduz ayaa marar badan Taliban laga saaray, hase ahaate magaalada Mazar-i-Sharif mudooyinkii u dambeeyey ma uusan soo marin weerar kan lamid ahi.