Kenya: Konton Alshabaab ah ayaan dilnay

Cidammada Milateriga Kenya ee qeybta ka ah Amisom Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cidammada Milateriga Kenya ee qeybta ka ah Amisom

Cidammada milateriga Kenya ayaa sheegay inay koonfurta Soomaliya ku dileen in kabadan 50 ka tirsan kooxda Alshabaab.

Waxay sheegen inay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas oo ay sidoo kalena burburiyeen saldhigoodii ku yaalay degaanka Badhaadhe ee Jubada Hoose. Ilaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin kooxda Alshabaab

Kumanaan ka tirsan ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka Amisom ee Soomaliya.

Badankooduna waxay ku suganyihiin koonfurta Soomaliya oo xuduud baaxad weyn la leh dalka Kenya.

Kooxda Alshabaab ayaa si joogta ah weeraro ku qaada gudaha xadka Kenya, waxayna weeraro lagu hoobtay ku qaadeen xeryaha ciidamada Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.