Wiil da'yar oo u ololeeya arrimaha haweenka Soomaaliyeed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil da'yar oo u ololeeya arrimaha haweenka Soomaaliyeed

Inkasta oo bulshada Soomaalida dhexdeeda ay ku yaryihiin rag u dooda xuquuqda haweenka, ayaa haddana waxaa jira dhalinyaro fara ku tiris ah oo uu ka mid yahay Cabdiweli Cabdillaahi Waaberi oo ah wiil dhalinyaro ah oo go'aansaday inuu u hiiliyo haweenka.

Wuxu u ololeeyaa in dumarka la siiyo kaalinta siyaasadeed ee sida uu qabo ay xaqa u leeyihiin iyo joojinta gudniinka fircooniga ah.

Cabdiweli wuxu ku noolyahay magaalada Muqdisho waxaanu weriyaha BBC-da Cabdirsaaq Xaaji Catoosh uga waramay ololihiisan iyo waxa ku dhaliyeyba.