Dad lagu haystay tuulo ku taal Vietnam oo la siidaayay

Dadka tuulada oo xiray waddooyinka ayaa bilowgii hore waxa ay qabsadeen 38 qof balse haatan waa la sii wada daayay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka tuulada oo xiray waddooyinka ayaa bilowgii hore waxa ay qabsadeen 38 qof balse haatan waa la sii wada daayay

Dadka ku nool tuulo ku taal dalka Vietnam ayaa sii daayay 19 qof oo ka harsaneyd dad ay todobaad madax furasho u haysteen, arrintaasi oo salka ku haysay muran ka dhashay xuquuq dhuleed.

Siidaynta ayaa daba socotay kaddib markii ay dadka tuulada shir la yeesheen gudoomiyaha magaalada Hanoi, kaas oo u ballanqaaday dadkaasi inaanan la maxkamadeyn doonin iyo sidoo kale inuu amro in dib loo eego habka loo isticmaalo dhulka.

Dadka la afduubtay ayaa waxaa ka mid ahaa boolis iyo saraakiil maxali ah.

2015 ayaa dhulka ay su'aasha ka taagan tahay waxaa loo xil saaray shirkad uu maamulo milateriga Vietnam.

Dadka deegaankaasi ayaa waxa ay ka soo horjeesteen dalabka dhulka lagala wareegayo, waxa ayna ku andacoodeen in aanay helin magdhaw ku filan.

Muranka dhanka dhulka ayaa caadi ka ah waddanka Vietnam, halkaasi oo dhulka gaarka loo leeyahay aanay aqoonsanayn dowladda shuuciga ah.