Afghanistan oo u baroor diiqaysa askartii Taliban laysay

Dowladda Afghanistan ayaa dagaal kula jiirta dagaalyahaanda Taliban Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda Afghanistan ayaa dagaal kula jiirta dagaalyahaanda Taliban

Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku dhawaaqay in maanta oo axada ay tahay maalin baroor diiq ah oo lagu xusayo askartii ay Taliban ku weerartay saldhigooda.

In ka badan 100 askari oo Afghanistaaniyiin ah ayaa lagu dilay amaba lagu dhaawacay weerrar uu Ururka Taalibaan Jimcihii ku ekeeyay saldhig uu leeyahay milateriga dalkaasi, waxaa sidaasi xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ku booqday cisbitaalka qaar kamid ah Askartii dhawacyada soo gaareen

Dagaalka ayaa dhowr saacadood waxa uu ka socday magaalada Mazar-e-Sharif ee gobolka Balkh ee waqooyiga dalka.

Taalibaan ayaa salaadda Jimcaha kaddib waxa ay bartilmaameed ka dhigateen dad markaa un ka soo baxay masjid ku yaal saldhigga iyo kuwo kale oo ku sugnaa makhaayad, waxaa sidaa sheegay milateriga.

Bayaan uu soo saaray ururka Taalibaan ayuu ku sheegay inay qaadeen weerrarka, iyagoo adeegsanaya dad ismiidaamiyay si ay uga gudbaan difaaca meesha yaallay.

Qiyaas horay u soo baxday ayaa tirada dhimashada gaarsiisay ilaa 140, hasayeeshee bayaan Sabtidii ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 100 askari ay ama ku dhinteen amaba ku dhaawacmeen weerrarka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qiyaas horay u soo baxday ayaa tirada dhimashada gaarsiisay ilaa 140

Ugu yaraan 10 ka tirsan maleeshiyaadka Taalibaan ayaa lagu dilay dagaalka halka midna nolosha lagu qabtay oo la xiray.

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa soo xirtay dareeska milateriga waxa ayna ka soo gudbeen bar koontorool u yaallay milateriga ka hor inta aanay weerrarka fulin, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay milateriga.