Qaramada Midoobey: Dowladdaa ka masuul ah dagaalka South Sudan

Askar ka tirsan ciidanka dawladda South Sudan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askar ka tirsan ciidanka dawladda South Sudan

Warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobey ayey ku eedaysay dowladda South Sudan in ay mas'uul ka tahay dagaalka saddexda sanadood wadankaas ka socdey, ayna sabab u tahay macaluusha bishii Febraayo ee sanadkan lagaga dhawaaqay wadanka.

Warbixinta oo ay soo saareen koox khabiiro ah oo iminka uun la muujiyey ayey ku sheegeen in ay weerarada dowladda ay qaadayeen kooxo maleeyshiyo ah iyo askarta dowladda ee qabiilka Dinka ee uu kasoo jeedo Madaxweyne Salva Kiir oo wata tikniko iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda.

Hase ahaate afhayeen u hadlay Madaxweyne Kiir ayaa dhamaan eedeymahaasi waxba kama jiraan ka soo qaaday waxa uuna sheegay in warbixintan ay hal dhinac eedeysay, waxa u sheegay in kuwa warbixinta qorey aysan ahayn dad khabiiro ah.

Khabiiradani waxay dalbadeen in cunaqabatayn hubka ah lagu soo rogo wadanka in kasta oo ay Qaramada Midoobey hore u diidey arrintaa.