Maraykanka oo gujis dagaal geeyay gacanka Kuuriya

USS Michigan Lahaanshaha sawirka Reuters

Gujis dagaal oo uu leeyahay Maraykanka ayaa gaaray biyaha Kuuriyada Koonfureed, ayadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay markale samayso tijaabo gantaal ama hubka nukliyeerka ah.

Gujiskan oo lagu magacaabo USS Michigan, isla markaana xambaara gantaallada ayaa waxaa dhawaan ku biiri doona maraakiib dagaal oo uu horkacayo kan lagu magacaabo Carl Vinson.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta u dabaaldageysa sannad-guuradii 85-aad ee markii la asaasay ciidankeeda. Munaasabadaasi ayaa waxaa hareeyay dab-rid ballaaran, sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed.

Xiisadda ka taagan gacanka Kuuriyada ayaa maalmahan sare u kacaysay, waxaana hadalo kulul is dhaafsanayay xukuumadaha Washington iyo Pyongyang.

Ciidanka Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa in dab-rid ay maanta ka sameeyeen magaalada Wonsan, ay u adeegsadeen rasaasta wax disha.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kuuriyada Waqooyi ayaa u dabaaldegaysa 85 guuradii ka soo wareegtay aas aaska milatarigooda

Si aan horay loo arag, ayaa dhammaan xubnaha senate-ka Marakanka waxaa laga codsaday in Arbacada beri ah ay ka qeyb galaan kulan looga hadlayo Kuuriyada Waqooyi oo ka dhici doona Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo.

Shiinaha ayaa ah saaxiibka keliya ee ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu Maraykanka ka codsaday Beijing in ay cadaadis saarto xukuumadda Pyongyang.