Netanyahu oo diiday in uu la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee Jermalka

Jermalka iyo Israa'iil ayaa iskaashi dhaw lahaa muddo tobannaan sano ah Lahaanshaha sawirka EPA

Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday kulan uu la yeelan lahaa wasiirka arrimaha dibadda Jermalka oo booqasho ku jooga Israa'iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo sheegay in uu baaqday kulankii uu ra'iisalwasaaraha la lahaa wax yar uun ka hor wakhtigii ay ballansanaayeen.

Arrintani waxay salka ku haysaa muran ka dhashay qorshahiisa oo ay ka mid ahayd in uu la kulmo qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo garabka bidix u janjeera.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jermalka Sigmar Gabriel ayaa diiday in uu baajiyo kulan uu la lahaa koox xuquuqda aadanaha u doodda oo lagu magacaabo Breaking the Silence oo milatariga Israa'iil ku eedeeyay in ay dad Falastiiniyiin ah u gasyteen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kooxda Breaking the Silence ayaa si qarsoodi ah u arruurisa sheegashooyin tacaddiyo la xiriira oo ay milatarigu gaysteen

Gabriel ayaa mar hore sheegay in wax lagu fikirikaro aysan ahayn in dawladda Israa'iil ay isku dayi doonto in ay ka hor istaagto dadka dhaliila.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Israa'iil Tzipi Hotovely ayaa arrintan ku tilmaamay dagaal ka dhan ah dadka hadallada qadafka ah u gaysta Israa'iil ee haddana caalamka gaarsiiya.