Abaarta Soomaaliya oo sababtay sare u kaca kiisaska jadeecada

Dumar iyo caruur barakacayaal ah oo ku sugan duleedka Muqdisho
Image caption Dumar iyo caruur barakacayaal ah oo ku sugan duleedka Muqdisho

Hay'adda UNICEF ee qaramada Midoobay u qaabilsan dhalaanka ayaa sheegtay in abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya ay si xooggan u kordhisay tirada caruurta uu haleelayo cudurka jadeecada.

UNICEF waxay sheegtay in carruur badan ay qaadeen cudurkaasi afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasi oo ka badan dhammaan sanadkii 2016-kii.

Jadeecada ayaa si weyn ugu faaftay xeryaha dadka kasoo barakacay abaarta ee nadaafadoodu ay hooseyso.

Sawirro: Barakacayaasha cusub ee Muqdisho gaaray

Cudurkan ayaa inta badan dila carruurta ay soo ridatay nafaqo darrada ee ku nool xeryahaasi.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hay'adda UNICEF ayaa tallaalka jadeecada u fidisay ku dhawaad 30 kun oo carruur ah oo ku sugan magaalada Baydhabo, halkaasi oo bishii lasoo dhaafay ay usoo barakaceen 70 kun oo qof oo ay saamaysay abaarta.

Lix sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya ka dhacday macluul ba'an oo ay ku dhinteen rubuc milyan qof.

In ka badan kala bar tiradaasi ayaa ahaa carruur ay da'doodu ka yartahay 5 sano, waxaana badankood ay u dhinteen jadeeco.

Qaar badan oo ka mid ah carruurta Soomaaliya ayaan laga tallaalin jadeecada, waxaana badankood ay ku nool yihiin deegaannada uu ka taliyo ururka Al-Shabaab, oo horay ay dagaalyahannadiisa u qafaasheen shaqaalo waday olole tallaal.