Soomaali ka qeyb gashay bandhigga cunnooyinka badda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ka qeyb gashay bandhigga cunnooyinka badda

Shirkado kalluumaysi iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxay magaalada Brussels uga qayb galayaan bandhigga caalamiga ah ee cunnooyinka badda laga soo saaro ee sida kalluunka oo kale. Bandhiggan oo muddo saddex maalmood soconaya ayaa waxaa ka qayb galaya in kabadan 1700 oo shirkadood oo ka kala socda ilaa 70 waddan, waxaana ujeedadu tahay in la kobciyo suuqa cunnooyinka badda laga soo saaro ee caalamka. Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa waxaa aad u yar dadka cunno cunnooyinka noocaasi ah, maadaama ay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Haddaba bandhiggaasi dadka ka qayb galaya waxaa ka mid ah Cabdicasiis Cali Qood oo ka mid ah kalluumeysatada Jubbaland, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayuu khadka taleefoonka ugu waramay.