Kumanaan ka qaxday dagaal ka socda waqooyiga South Sudan

AFP Lahaanshaha sawirka AFP

Hay'adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in 25 kun oo qof ay ka carareen magaalo ku taalla waqooyi bari Suudaanta koonfurred oo ay dagaallo ka socdeen seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay.

Hay'adda MSF waxay sheegtay in hay'adaha gargaaarka ee ka shaqeynayay adeegyada caafimaadka, cuntada iyo hoyga ee magaalada Kadok ay shaqadii joojiyeen.

MSF waxay ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya magaaldaasi inay badbaadiyaan dadka rayidka ah una oggolaadaan hay'adaha gargaarka inay caawiyaan dadka barakacay.

Hay'addaha gargaarka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka socday saddexda sano, uu saamayn weyn ku yeeshay xaaladda nololeed ee dadka Suudaanta Koonfureed.

Waxayna intaas ku dareen in sidoo kale dhaqaalaha dalkaas uu hoos u sii liicayo, taas oo sabab u ah dhibaatada laga soo sheegayo dalkaasi.

Carruurta Suudaanta Koonfureed oo la askaraynayo

Qaramada Midoobay oo dawaysay dagaalyahanno Suudaanta Koonfureed u dhashay

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad shan milyan oo qof oo ku nool dalkaasi ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin.

Hay'adaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkaas ay u baahan yihiin in laga taageero dhanka wax soo saarka beeraha.

Ilaa 100,000 oo qof oo dadkaas ka mid ah, gaar ahaan gobolka Unity State ayaa la sheegayaa in ay macaluul haysato.