'Israa'iil oo gantaallo ku ridday' saldhig milatari oo Dimishiq u dhaw

Sawir laga qaaday magaalo ay mucaaradku haystaan ayaa muujinaya wax u muuqda dab ka kacay garoonka Dimishiq Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir laga qaaday magaalo ay mucaaradku haystaan ayaa muujinaya wax u muuqda dab ka kacay garoonka Dimishiq

Gantaal ay Israa'iil ridday ayaa qaraxwayn iyo holac ka kiciyay xarun milatari oo ka agdhaw garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Haan shidaal iyo bakhaaro ayay waxyeelo soo gaartay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Sana.

Laakiin jabhadaha Suuriya waxay sheegeen in meesha gantaalka lagu dhuftay ay lahaayeen dhaqdhaqaaqa Xisbullaah oo Suuriya dagaal ka wada iyaga oo garab u ah ciidammada dawladda.

Dawladda Israa'iil ayaa sheegtay in weerarkaasi uu "qayb" ka yahay siyaasaddeeda ku aadan in ay ka hortagto in Iiraan ay si qarsoodi ah hub ugu gudbiso Xisbullaah.

Laakiin ma aysan carabka ku dhufanin in ay masuul ka tahay weerarkaas.

Israa'iil ayaa Xisbullah iyo Iiran oo oo taageerta u aragta halisya ugu wayn ee haysata.

Xisbullah ayay dagaal la gashay sanadkii 2006dii, intaas wixii ka dambeeyayna ururkaasi si wayn ayuu u xoogaystay.

Qolyaha xuquuqda aadanaha la socda ee Suuriya oo fadhigoodu yahay Britain ayaa sheegay in qaraxa xoogga badan laga maqlay caasimadda oo dhan subaxnimadii hore ee Khamiista.

Wakaaladda wararka ee Sana waxay sheegtay in gantaallo badan lagu dhuftay xeradda milatari oo ku taalla koonfurta galbeed ee garoonka, uuna burburiyay qalab.

Telefeshinta Al-Mayadeen ee dawladda taageera ayaa sheegay in gantaalada ay soo rideen diyaaraddo ay Israa'iil leedahay oo marayay hawada sare ee buuraha Golan Heights oo ay Israa'iil haysato.