Xisbiga Marine Le Pen oo baarlamaanka Yurub ka khayaanay 5.4 milyan oo doolar

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Marine Le Pen ayaa aad u dhaliisha Midawga Yurub

Xisbiga National Front ee ay madaxweynenimada ugu sharaxantahay Marine Le Pen ayaa Baarlamaanka Yurub si khayaano ah uga qaadatay 5.4 milyan oo doolar, sida ay sheegeen ilo ka tirsan Midawga Yurub.

Labo jeer ayay lacagtani ka badantahay middii la qiyaasay markii baaritaan lagu sameeyay shaqaalaha xisbiga NF.

Baarlamaanku wuxuu ka shakisan yahay in lacagtaas la siiyay kaaliyeyaasha xisbiga NF oo aan xaqiiqo ahaan ula shaqaynaynin xubnaha baarlamaanka Yurub, balse ay ka shaqaynayeen hawlaha xisbiga NF ee dalka Faransiiska.

Eedaymahan oo uu diiday xisbiga NF ayaa hadda gaaray baareyaasha Faransiiska.

Le Pen ayaa u ol'olaysanaysa wareegga labaad ee doorashada madaxweynenimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay oo ay is hayaan ayaa aad uga horreeya sida ay muujinayso ra'yi urruurin la sameeyay.

Lacagtan sida khaladka ah ku baxday sanadkii 2012kii iyo wixii ka dambeeyay ayaa walaac ku ah Marine iyo xubnaha kale ee xisbigeeda ee ku jira Baarlamaanka Yurub.

Xisbigeeda NF ayaa aad uga soo horjeedda Midawga Yurub iyaga oo diidan aragtidooda furfuran iyo suuqa xorta ah.