Wasiirka kalluumaysiga oo BBC-da uga warramay bandhigga cunnooyinka badda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo sheegay inay horumarinayaan wax soo saarka cunnooyinka badda

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee cunnooyinka badda ee magaalada Brussels, ayaa sheegay inay horumarinayaan wax soo saarka cunnooyinka badda ee dalka.

Bandhiggan oo ay ka qeybgaleen shirkado kalluumaysi iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd in la kobciyo suuqa cunnooyinka badda laga soo saaro ee caalamka.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa waxaa aad u yar dadka cuno cunnooyinka noocaasi ah sida kalluunka, maadaama ay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, Dr Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa BBC-da u sheegay inay sare u qaadayaan wax soo saarka iyo ka faa'iideysiga kheyraadka badda ee dalka.

Waxa uu khadka telefoonka ee Brussels ugu warramay weriyaha BBC-da, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.