Baarlamaanka Macedonia oo la weeraray

Weerarka baarlamaanka Macedonia Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Weerarka baarlamaanka Macedonia

Baarlamaanka Macedonia ayaa waxaa weeraray kooxo dibadbaxayaal ah ka dib markii la doortay gudoomiye qowmiyada Albania u dhashay.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo uu ku jirro Zoran Zaev oo wajiga ka dhiigay.

Taageerayaasha ra'iisul wasaarihii hore Nikola Gruevski ayaa dalbanaya in doorasho cusub la qabto.

Siyaasadda dalkaasi ayaa qasnayd intii mudo ah, Zaev ayaa abuuray isbahaysi ay ku jiraan xisbiga Albaaniyiinta, waxaana muddo socday dibadbaxyo laga dhigayay waddooyinka.

Qowmiyada Albania ayaa dalkaasi tiro ahaan ka ah afar meelood meel.

Taageerayaasha weeraray aqalka baarlamaanka ayaa ka caraysan doorashada la doortay Talat Xhaferi.

Lahaanshaha sawirka AFP

Waxayna tillaabadani u arkaan mid xaqiijinaysa qiyamka dadka Albaaniyiinta ah, khaatarna ku ah midnimada Macedonia. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qolyaha wax weeraray ay afka duubteen ayna jabiyeen muraayadihii dhismaha.

Safaarada Maraykanka ayaa cambaaraysay weerarka la gaystay, waxayna sheegtay in xisbiyada ay ixtiramaan dimoqraadiyada.