Tanzania oo eriday 10kun oo lagu shaqaaleeyay shahaadooyin been abuur ah

Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli

Madaxweynaha waddanka Tanzania, John Magufuli, ayaa waxa uu shaqada ka eryay ku dhawaad 10,000 oo shaqaale dowladeed ah kuwaasi oo haystay shahaadooyin been abuur ah.

Waxa uu amray inay banneeyaan goobaha ay ka shaqeeyaan wixii loo gaaro 15 bisha May, haddii aanay sidaa sameynna waa la xiri doonaa oo la maxkamadeyn doonaa.

Mr Magufuli ayaa ka jawaabcelinayay warbixin uu saaray guddi arrintan loo saaray oo soo diiwaangeliyay 9,932 shaqaale dowladeed oo haysta shahaadooyin dugsi sare oo been abuur ah.

Tiradan ayaa waxa ay wax yar ka sarreysaa boqolkiiba 2 shaqaalaha dowladda ee waddanka Tanzania.

Shaqaalahaasi dowladda ayey sidoo kale suuragal tahay in la maxkadeeyo oo haddii lagu helo dambi wax is daba marin ah waxa ay wajahayaan ilaa todoba sano oo xarig ah.

Baaritaanka waxaa lagu sameeyay shahaadooyinka dugsiga sare oo kaliya ee ay haystaan saraakiisha dowladda hoose, hay'adaha iyo wakaaladaha dowladda, balse lama baarin shahaadooyinka jaamacadaha.