Bayern Munich oo qaadday Bundesliga

Kabtanka kooxda, Philipp Lahm, wuxuu wax ka qaaday 9 horyaal. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kabtanka kooxda, Philipp Lahm, wuxuu wax ka qaaday 9 horyaal.

Bayern Munich waxay 6-0 ku garaacday Wolfsburg, ayadoo sidaasna ku hantisay horyaalka Bundesliga ee Jarmalka.

Waa markii 5aad oo xiriir ah oo ay horyaalka qaaddo, waana horyaalkoodii 27aad ee ay ku guulaystaan. 3 cayaarood ayaa u dhiman.

Tababaraha kooxda, Carlo Ancelotti, ayaa iminka noqonaya tababarihii ugu horreeyey ee 4 koob oo waaweyn u qaada 4 koox oo ka mid ah 5ta koox ee Yurub ugu adag. Wuxuu guulo u soo hooyey Bayern Munich, AC Milan, Chelsea iyo PSG.

Wolfsburg oo ka hari doonta horyaalka soo socda ayaa waxaa 2014 - 15 farahooda ka baxay kubbad sameeyahoodii, Kevin de Bruyne, oo Manchester City ugu wareegay 55 Malyan oo gini.

Waxay soo gaareen rubuc dhamaadka cayaaraha horyaallada Yurub (Champions League), ayagoo waliba lugtii hore 2-0 kaga badiyey Real Madrid.